Koox Hubeysan ayaa Goor dhaw Degmada Baled-xaawo ee Gobolka Gedo ku dishay Nin Nabaddoon ah oo Magaalada si weyn looga yaqaanno,waxaana Magaciisa lagu soo Koobay Nabaddoon Idiris.
Goobjoogeyaal ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Allaha u Naxariistee Nabaddoon Idirs lagu dilay Maqaayad ku taalla Magaalada Baled-xaawo oo uu ku sugnaa,waxaana Dilka u geystay sida Goobjoogeyaashu ay noo sheegeen Koox Bastooladleey ah.
Kooxdii Falka Dilka ah u geystay Nabaddoonka ayaa Dilka ka dib Goobta ka baxsaday,iyadoo sidii Caadiga aheydba ay halkaa tageen Ciidamada Amniga Magaalada Baled-xaawo-balse ma jirto Cid ay Falkaa u soo qabteen.
.